Boqorka dalka Urdun, Cabdallaha Labaad iyo Madaxweynaha Kenya. Uhuru Kenyatta ayaa maanta si wadajir u soo xiray Dhoolatus Milliteri oo labadii isbuuc ee la soo dhaafay ka socday Kenya.
Boqolaal ka tirsan Komaandooska Boqortooyadda Urdun iyo kuwa Kenya ayaana ka qeyb galay Carbiskaasi oo loogu magac daray “Gorgorkii Dheereeyey”.
Dhoolatuskaasi ayaa lagu qabtay Dugsiga Taageeradda Samafalka Nabadda oo ku yaalla Deegaanka Embakasi.
Dhinaca kale, Boqorka Urdun iyo Madaxweynaha Kenya waxay Kulan Khaas ah ku yeesheen Aqalka Dowladda ee Nairobi, oo ay kaga wada hadleen Iskaashiga Labada Waddan iyo sidii ay Labada Dowladood u wadaagi lahaayeen Xogaha Sirdoonka iyo Khibradda lagula dagaalamayo waxa ay ugu yeereen Argagixisadda.