Askari Maraykan ah oo ugu hanjabay Wiil Soomaali ah inuu toogan doono

Waaxda Boliska magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay baarayaan Muuqaal Video ah oo muujinaya Askari ugu hanjaba Wiil Somali-Maraykan ah inuu lugta ka toogan doono.

Dhacdadaasi oo bishii hore dnacday ayaa lagu qaaday Kameeradda Mobaylka,  iyadoo Muuqaalkaasi la soo dhigay Warbaahinta Bulshadda.

Sawirka wejiga Askariga ayaa la sheegay inaan si fican looma arkayo, balse waxa uu codkiisa laga maqlay Askarigaasi oo wiilka Somali-Maraykanka ugu hanjabayo haddii uu cararo inuu lugta ka toganayo.

Afhayeenka Boliska  lladda Minneapolis,  John Elder ayaa sheegay inay baarayaan kiiskaasi oo khatar leh, wuxuuse ka gaabsaday inuu xilligan ka hadlo.

Dhinaca kale, Golaha Xiriirka ee Muslimiinta Maraykanka ayaa ugu baaqay Waaxda Arrimaha Caddaaladda Maraykanka in la furo baaritaan madax-banaan, lna ciqaabo Askari u hanjiabay wiilka Somali-Maraykanka ah

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor