Askari Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Askari Ilaalo u ahaa Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle Darawal Mooto Bajaajle ahaa uu ku dilay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Afar Irdoodka ee Degmada Xamarweyne xili goobta ay aheyd mid aad u mashuul ah,isla markaana ay buuxeen xiligaas dad ganacsato ah iyo gaadiid badan.

Askari Ilaalo ah u ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa uu isku dayay xili uu saarnaa Gaari in uu wada oo mashuul aheyd uu furo,isagoona rasaas uu furay ay ku dhacday Darawalka Mooto Bajaajlaha ahaa uuna goota ku geeriyooday.

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir  Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa waxaa uu sheegay in la qabtay askarigii falkaas ka dambeeyay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Guddoomiye Cabduqaadir in askariga si deg deg ah sharciga lagu horkeeni doono,isla markaana haatan uu ku xiran yahay Saldhiga Degmada.

Maanta ayay aheyd Markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida xukun Dil ah ay ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo 8-dii bshan May 2019,Darawal Mooto Bajaajle ahaa ku dilay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir sidoo kalena dhaawacay Nin Sarifle ahaa.

Comments
Loading...