Askar ku dhaawacantay weerar ka dhacay Gobalka Hiiraan oo loo qaaday dalka Jabuuti

Qaar ka mid Askarta ciidanka Jabuuti ee shalay ku dhaawacmay weerar Madaafiic ah oo Alshabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidanka Hiil-walaal ee ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in manta loo duuliyay dalka Jabuuti si loo soo dabiibo.

Weriyaha dalsan ee ku sugan gobalka ayaa soo sheegaya in diyaarad khaas ah loo soo diray ciidamada qaba dhaawacyada culus isla markaana uu socdo daabulkooda,dhinaca kalana maamulka degmada iyo kan gobalka oo aan la hadlnay ayaa ka gaabsada in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar Madaafiic ahaa oo habeen hore lagu qaaday saldhiga ciidanka Jabuuti eek u yaal degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan iyada oo ilaa iyo haatan aysan ka hadlin arrintaan saraakiisha ciidanka Jabuuti iyo kuwa AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media