Ilhaan Cumar “Donald Trump noloshiisa oo dhan ayaa nacayb ku dhisan”

Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka waxay dhabarka kaga toogatay Donald Trump, kadib, markii uu ku baaqay inay is-casisho.

Ilhaan Omar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxay Twitter-keeda ku sheegtay inuu Donald Trump yahay nin noloshiisa oo dhan ka shaqeyn jirey Nacayb, isla markaana ka soo horjeeda Muslimiinta, Yuhuudda, Muhaajiriinta, Dadka Madow, kuwa asalka loogu yimid dalka iyo kuwo ka badan.

Waxay kaloo sheegtay inay baratay dadka uu saamaynta ku yeeshay hadaladeeda, iyadoo dhinaca kale Donald Trump weydiisay xilliga uu isagana garan doono?

Si kastabah ha ahaatee, hadalka Ilhan Omar waxa uu jawaab-celin laga sugayey u ahaa hadalkii uu Madaxweyne Donald Trump Talaadadii ku sheegay inay Ilhan Omar iska casisho Kongareeska Mraaykanka ama laga saaro xubinimadeeda Guddiga Arrimaha Dibedda ugu qaabilsan Aqalka Kongareeska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media