Dhageyso:- Gudoomiyaha degmada Dayniile oo ka hadlay Muranada dhulka ee ka jira degmadaas

Gudoomiyaha degmada Dayniile ee gobalka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar oo wareysi siiyay idaacada dalsan ee magaalada MUqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay muranada dhinaca dhulka ee ka jira degmada uu maamulo,Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay aad ugu badanyihiin dacwadaha muucaas ah isla markaana ay ku guuleysteen intooda badan halka kuwa kalana ay gacanta ku hayaan.

Maxamed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in uu ahaa kiiskii ugu xumaa ee muranada dhulka in uu ahaa Oday 80-jir ah oo la yimid warqado lahaanshaha guri ku yaal degmada hase’ahaatee markii la baaray kadib la ogaaday in guriga uu horay uga gatay qof kale lana helay Sawiradiisa iyo saxiixa xiligaas,isaga oo sheeegay in mararka qaar dadku ay la yimaadaan dacwado kuwaas la mid ah oo aan sharci aheyn.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay dib ugu celinayaan qof kasta oo si sharci daro ah looga haysto dhulkiisa waxaana magaalada Muqdisho dhowr jeer dhul ay lahaayeen lagu wareejiyay dad milkiyaddiisa lahaa oo laga heystay kadib markii maxkamaddu ay u xakuntay.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media