Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar ku bilowday qaraxyo oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Maanta ku qaadeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Qaraxa ay Shabaabka ku weerareen Balcad ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana waxaa qaraxa kadib gudaha degmadaasi ka bilowday dagaal dhexmaray ciidanka dowladda iyo dagaalyahano kamid ahaa Shabaabka
Dad ku sugan Balcad ayaa kusoo warramay in Weerarka lagu bartilmaameedsaday baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin degmada iyo xafiisyo ku yaalla Xarunta degmada, kuwaasi oo uu gaaray burbur xooggan, sida ay muujinayaan sawirada laga soo qaaday goobta.
Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inay ka hortageen Al-Shabaabka soo weerartay saaka, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha.
Sidoo kale Guddoomiye Qaasim Furdug ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in Al-Shabaab ay ka dileen 11 xubnood, ayna jiraan xubno kale oo dhaawacyo ah, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay guryo iyo dhismayaal kale.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa bishan Ramadaan aad u kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.