Arday lagu afduubtay Nigeria oo lasii daayay

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in lasoo daayay 11 arday oo ka mid ah 100 arday oo lagu afduubtay gobalka Niger ee dalkaas.

Guddoomiyaha gobalka ayaa sheegay in ardaydaan lasoo daayaay kadib markii ay awoodi waayeen inay lugeeyaan masaafo dheer.
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay dadaal badan bixineyso si wax looga qabto falalka afduubka ee lagula kaco ardyada.

Kooxa hubeysan ayaa ka geysta gobalada kala duwan ee Nigeria afduub si ay u helaan lacag madax furasho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor