Saraakiil Ciidan iyo AMISOM oo ka shiray howlgalada Shabeellaha Hoose

Wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) ayaa Maanta gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye Jenaraal Maxamed Sheekh iyo Saraakiil kale oo la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baraawe ugu hortegay oo kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo Maamulka degmadaas.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Jenaraal Ciirow ayaa kulan la qaatay Saraakiil kamid ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoona ka wada hadlay xoojinta amniga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kalen labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday sidii loo dardar-geli lahaa Howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada Shabeellaha Hoose, iyagoona sheegay inay iska kaashan doonaan howlgalada.

Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu yahay Gobolka ugu amniga xun maamulkaas, waxaana xiliyada qaarkood ka dhaca weerar isugu jiray qaraxyo iyo kuwa toos ah oo Al-shabaab ay ka beegsadaan Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, sidoo kalena uu ka dhacay weeraro lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor