Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Snaag ayaa waxaa ay sheegayaaan in Iskuul ku yaalla halkaas saakay lagu arkay Arrin Mucjiso, taasi oo ah in Gabdho fasal ku jiray ay mar qura la wada kulmeen arrintaas.
Iskuulka Mucjisada lagu arkay ayaa ku yaalla deegaan lagu magacaabo Buraan oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana la sheegay in Gabdhaha oo 4 Arday ah ay ahaayeen kuwii ugu soo horeeyay ee saakay galay falka ay wax ku dhiganayeen, hayeeshee ay kasoo baxeen iyaga oo qufacaya.
Maamulka Iskuulka ayaa waxaa uu sheegay in afarta gabdhoodh oo kulligood dhigayay fasalka 4aad ee Dugsiga sare ah ay aroortii hore galeen fasalka, kaddibna ay ka soo baxeen iyaga oo qufaca sidaasna ay koomo ku galeen.
Sidoo kale Mamulka ayaa waxaa uu sheegay in Gabdha si deg deg ah loo geeyay Isbitaalka guud ee deegaanka Buraan, isla markaana haatan halkaas lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.
Ilaa iyo hada lama oga waxa keenay arrintaas, waxaana ka naxay Ardayda Iskuulka iyo maamulkoodka, iyadoona Arrinta si aad ah looga hadal haayo deegaanka Buraan oo ka tirsan Gobolka Sanaag.