Al-shabaab ayaa Goob fagaaro ah oo ku taalla Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay ku toogteen Nin la sheegay inuu horey si bareer dil ugu heystay qof shacab ah.
Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keentay Goobta uu ka dhacaayay xukunka dilka toogasha ahaa, kaasi oo lagu fuliyay Soomoow Sanweyne oo horey u dilay nin lagu magacaabi jiray Axmed Cabdullaahi.
Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegtay in Soomoow uu si bareer ah u dilay Axmed Cabdullaahi kadibna ay shabaab usoo dacwoodeen dadka leh dhiigga Axmed, iyagoona dalbaday qisaas, waa sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Bahooda Internet-ka.
Xukunada noocaan oo kale ah ayeey Al-shabaab ka fuliyaan Gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalooyinka ay joogaan, iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinaayo inuu sameeyay qiraal.