Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxay Dib-u-eegis guud ku samaysay tirada xukunadda Toogashadda ee Calaamka, waxayna sheegtay inuu ka muuqdo hoos-u-dhicii ugu ballaarnaa ee saddex duleel oo labo duleel ee muddo 10-sanno ah.
Warbixin ay Hay’addu soo saartay waxay ku sheegtay in Dib-u-eegista xukunadda dilalka ee Caalamka muujinayso inay si ballaaran hoos u dhaceen dalalka Somalia, Iraq iyo Pakistan.
Amnesty International waxay sheegtay in Somalia xukunadda dillalka ay kala-bar yaraadeen, iyadoo sannadkii 2017-kii xukunka dilka lagu fuliyey 24-qof, halka sannadkii hore ee 2018-ka lagu fuliyey xukunka dilka 13-qof.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in xukunadda dilka ee dalka Iiraan ay hoos u dhacday kala bar, kadib, markii isbedel lagu sameeyey Sharciga Daroogadda.
Warbixinta Amnesty waxay walaac ka muujisay in xukunadda dilalka ee dalalka Japan, Maraykanka, South sudan iyo Sinagpore ay sare u kaceen, halka dalka Thailand xukunadda dilalka dib loo soo celiyey sannadkii hore.
Xoghayaha Guud ee Hay’adda Amnesty International, Kumi Naydoo ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid xukunadda dilalka muujinayso inay Waddamadda Caalamka bilaabeen inay wax beddelaan Tabahooda iyo inay garwaaqsadeen in Xukunnadda Dilalka ahayn Jawaabta ugu mudan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladaha Caalamka sida ugu dhaqsaha badan uga guuri doonaan Ciqaabta Dilalka.
Si kastaba ha ahaatee, Dib-u-eegis guud ee Hay’adda Amnesty International waxay muujinaysaa in tirada xukunadda la fuliyey sannadkii 2017-kii ahaayeen ugu yaraan 993 oo qof, halka sannadkii hore ee 2018-kii Tirada xukunadda dilalka gaartay ilaa ugu yaraan 690-qof.