Midowga Yurub oo Kordhiyay Tababarka Ciidamadda Soomaaliya

Warbixin ay soo saareen Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Ururkasi uu kordhiyay Howlgalkiisa Tababarka iyo Talo Bixinta Ee Dalka Soomaaliya tan iyo 31 bisha December 2016ka.

Go’aankan ayaa yimid kadib kulan Shalay ay ku qaateen Magaaladda Brussels Wasiiradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub.

Howlgalkan oo fadhigiisu yahay Magaaladda Muqdisho waxa la bilaabay 5 Sanno ka hor Sanadkii 2015kii.

Tababarayaal dhan 125 oo ku sugan Magaaladda Muqdisho oo ka socda Midowga Yurub ayaa tababaray Askar ka badan 5 kun oo Soomaali ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor