AMISOM oo sheegtay iney Weerarkii Halgan ku dilen 110 ka tirsan Al Shabab

Afhayeenka ciidamada AMISOM Jose Kibet ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ku dilen weerar adag oo ay Al Shabab ku soo qaaden xarunta ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan ku dhawaad 110 ka tirsan Al Shabab.

Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay iska caabiyen weerarka oo ahaa mid xoogan islamarkaana ay dilen askar ka tirsan Al Shabab.

Afhayeenka oo wareysi gaar ah siiyay radio Dalsan ayaa beeniyay in ciidamada Al Shabab ay dilen ku dhawaad 60 ka tirsan ciidamada Itoobiya isaga oo aan bixin faahfaahinta khasaaraha soo gaaray dhinacooda.

Al Shabab ayaa sheegtay iney dagaalka ku dileen 60 askari oo Itoobiyan ah sida laga baahiyay idaacada Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabab.

Halkan hoose ka dhageyso wareysi kooban oo uu Dalsan siiyay Afhayeenka AMISOM Joe Kibet.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor