War qoraal oo ay maanta soo saareen Taliska Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay inay baaritaano ku hayaan Eedeymaha lagu sheegay in Dad rayid ah lagu dilay Tuulladda Wardiinle oo ku dhow magaalladda Baydhabo ee Gobalka Bay.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadkaasi lagu dilay xilli ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka ay jidka u galeen Alshabaab maalintii Axadda ee la soo dhaafay.
Qoraalka waxaa lagu muujiyey inay baaritaano hordhac ah muujinayaan inay Ciiddanka AMISOM heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo Loo-qaateen ah oo lagu sheegay in ay Alshabaab tababar Xag-jirnimo ka wadeen Tuulladda Wardiinle.
Ciiddanka ayaa u tegay Tuulladda si ay u baaraan Warbixinta la siiyey,. Balse, Alshabaab ayaa jidka u galay, iyadoo dagaalka loogu itaal sheegtay Alshabaab, waa sida lagu War Saxaafadeedka AMISOM.
Qoraalka waxaa lagu muujiyey inaysan kala caddayn inay dad rayid waxyeelo ka soo gaartay Iska horimaadka ka dhacay Wardiinle.
Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia iyo Hawlgalka AMISOM, Ambassador Madeira ayaa sheegay in Xafiiskiisa Latashiyo la leeyihiin Hay’addaha Dowladda Federalka Somalia baaritaanka Eedeymaha lagu sheegay inay AMISOM dileen dad rayid ahaa.
Waxa uu intaasi ku daray inay doonayaan in laga sl gaaro xogta dhacdadaasi, wuxuuna dhinaca kale xusay in Ciiddanka AMISOM aad loogu adkeeyo inay taxadiraan, isla markaana ay qaadaan tallaabada ugu wanaagsan si looga hortago in la dhibaateeyo dadka rayidka, marka ay Hawlgalka fulinayaan.
©Radio Dalsan