Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka AMISOM qaadi doonaan Hawlgal loogu magac daray Hawlgalka Baciidka “Antelope Operationâ€, kaasi oo ay doonayaan inay furan Waddooyinka muhiimka ee Maamul-gobaleedka HirShabelle.
Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuna sugan Gobalka Sh/dhexe ayaana Hawshaasi loo xil-saaray, sida uu sheegay War-saxaafadeed shalay ka soo baxay Ururka Midowga Afrika ee AU.
Taliyaha Qeybta 5-aad ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Venuste Nduwayo ayaa tilmaamay inuu Hawlgalkaasi horey u bilaabeen, laguna dayactiray in ka badan 150 KM ee dhulka hodanka ku ah Beeraha ee HirShabelle.
Waddooyinka ay Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOMÂ fulinayaan waxaa ka mid ah Jidka isku xira Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha, Deegaanka Biyo-cadde ilaa Jowhar, Mahadaay ilaa Ceel-baraf, Biyo-cadde ilaa Raage Celle iyo Raage-ceele ilaa Muqdisho, waa sida lagu xusay War-saxaafadeedka AU-da oo lagu daabacay Websaytka AMISOM.
Hawlgalkaasi oo bilowday bishan December 11-dii ayaa waxaa booqasho Kormeer ah ku tegay Ergayga Gaarka ee AU-da ee Somali, Francisco Madeira, Madaxweynaha HorShabelle, Cali C/llahi Cosoble.
Dhinaca kale, Hawlgalkaasi oo qaadan doono ugu yaraan 3 bilood ayaa waxaa Kharajka ka taageerayo Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia (UNSOS) iyo Hay’adda QM ee Adeegga Miinooyinka (UNMAS).
©Radio Dalsan