War Qoraal oo ay Taliska Hawlgalka AMISOM soo saareen ayey ku beeniyeen warar horey loogu sheegay inay Ciiddanka Ammaanka Somalia xireen labo ka tirsan Askarta AMISOM oo lagu eedeeyey inay iibinayeen Saanad Milliteri iyo Shidaal.
“Ma jiraan Askar AMISOM oo maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ay Ciiddanka NISA ku xireen magaalladda Muqdisho” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka AMISOM oo lagu naqdiyey Warkaasi oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinadda ku hadla Afka Soomaaliga.
Warbaahinadaasi ayaa shaaciyey maalintii Isniinta ee la soo dhaafay in ay Ciiddanka NISA gacanta ku dhigeen 2 ka tirsan Ciiddanka AMISOM oo si sharci-darro ah ku iibinaysay Shidaal iyo Saanad ay leeyihiin AMISOM.
Bishii la soo dhaafay, Askar ka tirsan AMISOM ayaa lagu maxkamadeeyey magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo lagu soo oogay inay Shidaal iyo Saanad ku iibinayeen Garaash ku yaalla agaagaarka Isgoyska KM4 ee magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan