Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QMugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Micheal Keating ayaa cambaareeyey weerarkaasi oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa, oo ay geeriyoodeen in ka badan 20 qof, kuna dfhaawcmeen Tobaneeyo kale oo ay ku jiraan Xilddhibaano iyo Wasiiro.
“Qalalaasaha Xagjirka waxa mar kale lagu qarxiyey Hotel ku yaalla caasimadda Somalia ee Mogadishu” ayuu yiri Michael Keating oo intaasi ku daray inay tahay markii Saddexaad ee la weeraro Hotelka SYL tan iyo bilowgii sannadkan 2015-ka,
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Micheal Keating waxa uu u tacsideeyey Qoysaska ay dadka kaga geeriydoodeen weerarkaasi, wuxuuna kuwa dhaawacmay u rajeeyey Bogsiimo degdeg ah.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Hotel SYL, oo ay tilmaameen inay ku beegsadeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka.
©Radio Dalsan