Ra’iIsul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxa uu maanta booqasho rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Qatar ee Doha,wuxuuna Kulan Khaas ah la yeeshay Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani.
Kulankooda waxay kaga wada xaajoodeen Xiriirka labada waddan iyo qaababka ugu wanaagsan ee loo horumarin karo qeybaha kala duwan ee Xiriirkooda, gaar ahaan Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga, Dalxiisan iyo Adeegyadda Dhismayaasha Asaasiga, sida Waddooyinka iyo Khadadka Tareenadda.
Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo ay kulankooda ku wehliyeen Saraakiil ka kala socotay Labada Dowladood waxay isku dhaafsadeen Aragtiyada ku aadan Xaalladaha Gobalka iyo kuwa Caalamiga.
Dhinaca kale, Booqashadda uu Abiy Ahmed ku tegay dalka Qatar ayaa ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dalkasi, tan iyo markii xilka Ra’isul-wasaaraha ula wareegay bishii April 2-dii ee sannadkii hore.
Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani waxa uu horey u booqday Ethiopia bishii April ee sannadkii 2017-kii.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha Qatar iyo Ethiopia waxay markii ugu horreysay xirirka Diplomaasiyadeed kala saxiixdeen sannadkii 1995-tii, xilligaasi oo uu Ethiopia ra’isul-wasaare ka ahaa Meles Zenawi.