Ciidamada amniga oo Howlgal ka dhacay Muqdisho ku qabtay Rag ka tirsan Al-shabaab

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen  labo Rag ah oo ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Mid kamid ah Ragga lasoo qabtay ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa  dilalka Qorsheysan, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Midka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud  ee dalka waa sida ay hadalka u dhigtay dowladda Soomaaliya.

Ma jirto  waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay Raggaan ka tirsan Alshabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media