Dad shacab ah oo fariin qeylo dhaan ah u diray Maamulka Galmudug

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo saakay ka dhacay kaalin lagu iibyo shidaalka oo ku taalla bartamaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, kaasi oo geystay Khasaaro hantiyadeed.

Dabka oo marka hore ka bilowday kaalinta shidaal ayaa kusii faafay goobo Ganacsi ah oo ku dheganaa kaalinta, waxaana dabkaas uu ahaa mid xoogan oo socday muddo dhowr saacadood ah, wallow markii dambe la demiyay.

Boqlaal shacab ah oo kamid ah dadka deegaanka Dhuusamareeb ayaa dadaal dheer kadib ku guuleystay inay demiyaan dabkii kacay, waxaana dabkaas uu baabi’iyay goobo ganacsi oo dhowr ah,.

Qaar kamid ah dadkii ka qeyb qaatay deminta dabkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug ka Codsaday in halkaas si Deg-deg ah loo keeno gaadiidka dab demiska, si hantida shacabka loo badbaadiyo xiliyada ay dababkaas oo kale kacaan.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaan laheyn gaadiidka dab demiska, waxaana dhowr jeer kaalimo shidaal oo halkaas ku yaalla ka kacay dab xoogan oo geystay Khasaaro hantiyadeed oo farabadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media