Dowladda Federalka Somalia ee xilligeeda dhamaaday ayaa waxa uu Sharci ahaan Xilli-hawleedkeeda ku ekaa bishii Augsut ee sannadkan, balse waxaa lagu daray muddo Kordhin KMG, si loogu gogol-xaro qabsoomida Doorashooyinka lagu soo dooranayo Madaxweynaha iyo Barlamaanka Cusub.
Qabsoomidda Doorashadda ayaa dhowr jeer dib loogu dhigay, kadib, markii lagu fashilmay in la fuliyo Jadwalka Dooraahadda ee Madaxtinimadda iyo Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Bilihii August, September iyo October ayaana lagu guuleysan waayey Hirgelinta Xilliga Doorashooyinka, iyadoo Bartamaha bishan lagu madalsanaa in la soo doorto Laba Guddoomiye ee Aqalladda Sare iyo Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Sidoo kale, waxaa la filayn inay Doorashadda Madaxweynenimadda loo codeeyo xilligii lagu madalsanaa oo ah bishan November 30-da, kuna beegan maalinta Arbacadda ee soo socota.
Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha iyo Hay’addaha Caalamiga ee taageeradda ka geysanayo Hirgelinta Doorashadda Somalia waxay dhaban-hays ka qaadeen Dib-u-dhaca iyo Falalka Musuqa iyo Dhaqanada kale ee hareeyey Nidaamka Doorashadda ee ka dhacday Maamul-gobaleedyadda hoos taga Dowladda Federalka Somalia.
Afhayeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia oo xalay Wareysi siiyey Barnaamijka Focus On Africa ee BBC-da waxa uu xusay inaan rajo laga qabin in Doorashadda Madaxtinimadda Somalia la qabto bishan November 30-da.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in culayska la saarayo sidii loo soo dhamaystiri lahaa 275-Xildhibaan ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka, si ay u doortaan Guddoomiyaha Barlamaanka.
Wuxuuna intaasi ku daray inay suurtogal tahay inay Xilddhibaanadda doortaan Madaxweyne cusub marka la gaaro bisha soo socota ee December 15-da.
Saadaalinta uu bixiyey Afhayeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia ayaan la dhihi Karin waa Waqtigii saxda ee la dooran doono Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu humaag ku jiro in bisha December 15-da loo codeyn doono Xilka Madaxweynenimadda, marka loo eego Caqabadaha iyo Cabashooyinka hareeyey Doorashadda xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filan karaa in mar 5-aad iyo marar kale dib loo dhigi doono Doorashadda Madaxweynaha, marka la qiimeeyo Cakirnaanta Doorashadda iyo Hufnaan La’aanta Natiijaadda Cod-bixintii Labada Aqal ee Barlaamanka.
©Radio Dalsan