Dadka Reer Koonfur Afrika oo la sheegay inay wax ka bedeleen dhaqamadii qalafsanaa ee ay ku hayeen Ganacsatadda Soomaalida.
Waxay ahayd Fal ugub ku ah dadka Soomaalida ee ku nool dalka Koonfurta Afrika, kadib, markii ay Isbuucii hore arkeen dad Reer Koonfur Afrikaan ah oo gurmad ka geystay dab qabsaday Dhismo Ganacsi oo ay Soomaalidu leedahay.
Bishan November 21-dii waxa uu dab qabsaday Dabaqa Labaad Dhismo ku yaalla magaalladda Soweta, iyadoo Mujtamaca ku nool Port Elizabeth isku haweleen sidii ay u soo badbaadin lahaayeen 4 Ganacsato Soomaali oo ah ku xayirtmay dabka qabsaday Dabaqii Labaad ee ay ku jireen.
Gurmadkaasi ayaan lagu guuleysanin, iyadoo ay dadkii u soo gurmaday dhibaato kala kulmeen Xayndaabo Bir ah oo dhinaca Ammaanka ee Dukaanka si aan loo boobin.
Mid ka mid ah Dadka Deegaanka ee muddada dheer deriska la ahayd Dukaanka Soomaalida ee gubtay ayaa sheegtay inuu ku adkaaday gurmadkii loo sameeyey, maadaama uu Dukaanka lahaa biro Xayndaab ahaa oo aan si fudud lagu jerbin Karin.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Dibora Mdyubha ayaa sheegtay inay Ganacsatada Soomaalida adkeeyeen Ammaanka Dukaankooda, iyadoo ay Dembiilayaal badan joogaan Deegaanka.
“Inta badan Dembiilayaasha waxay beegsadaan Shisheeyaha, waayo wey u fududahay iyaga. Weli waxaan xusuustaa Wejiyada Ganacsatadda Soomaalida ee ku geeriyootay Dabka iyo weliba Qeylodhaantooda gurmadka” ayey tiri Dibora Mdyubha
Dhallinyarada ku gubatay Dukaanka Ganacsiga ee Ngolonbeni Spaza ayaa lagu kala magacaabi jirey:
- Rashiid Cabdi oo 38 jir ahaa
- Aweys Abdi oo 30 jir ahaa
- Xuseen Gaabow oo 38 jir ahaa
- Axmed Xurshe oo 42 jir ahaa.
Dhinaca kale, ma kala cadda waxa sababay dabka ay Marxuumintaasi ku geeriyootay, kuna baaba’day Hantida u tiillay goobtooda ganacsiga.
©Radio Dalsan