Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhaqan galay Amar kasoo baxay laamaha amniga Maamulka Galmudug, kaasi oo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada oo xiliyada qaarkood ka dhacaan falal amni darro.
Ciidamada Booliska Galmudug ayaa fuliyay amaro 21-ka bishaan lasoo saaray, kuwaasi oo ahaa in gudaha Gaalkacyo aan lagu wadi karin gaadiidka miyaaradaha madow leh, iyadoona Maanta Ciidanka ay gaadiidka ka fiiqayeen miraayadaha beensalka ah.
Sidoo kale laamaha amniga Galmudug ayaa mamnuucay in gudaha Gaalkacyo lagu dhex heysto hub, sidoo kalena aan lagu lebisan karin dharka Ciidamada, cidii lagu arkana laga qaadi doono tallaabo adeg oo sharciga waafaqsan.
Ciidamada amniga ayaa Baro koontaroolo Cusub ka sameeystay goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo lagu baari doono gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalaya.
Amarkaan ayaa Maamulka Iyo Saraakiisha Ciidamada waxay ku tilmaameen inuu yahay mid lagu sugayo amniga Gobolka Mudug, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada howlgalka wada.