Amaanka Baydhabo oo aad loo adkeeyey iyo ra’isul wasaare kheyre oo lagu wado inuu gaaro Magaaladaas

Ra’isul wasaaraha cusub ee xukuumada ayaa lagu wadaa inuu maanta tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaas oo uu kulamo kula leeyahay madaxda maamulkaa koonfur galbeed.

Amaanka magaalada ayaa loo adkeeyey,iyadoo ciidamada lagaliyey heegan,si u xoojiyaan amaanka guud ahaa magaaladaasi oo uu maanta tagayo ra’isul wasaare Kheyre.

Goor dhow ayaa lagu wadaa muqdisho inay ka duulaan wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha cusub, oo ku wajahan magaalada Baydhaba, ee xarunta gobolka Baay, halkaasina waxaa kusoo dhaweyn doona madaxda Koonfur Galbeed.

Waa safarkii ugu horeeyey tan iyo marka lamagcaabay ra’isul wasaare Kheyre iyo magaaladii ugu horeysay uu tago isagoo ra’isul wasaaraha ah, walina waxaa uu wadaa kulamo ku aadan magcaabista golaha wasiirada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media