Ahayeenka Xarakadda Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda, Sheekh C/casiis Abu Muscab oo l hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inay ka dambeeyeen dilkii Maxamuud Xaaji Cali oo ka tirsanaa Hay’adda NISA, kaasi oo saakayto lagu dilay Degmadda Shibis.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay rag ku hubeysnaa Bistoolado ku toogteen Sarkaalkaasi isagoo hor taagan guri uu ka dhisanayey Xaafadda Maanabolyo.
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay baxsadeen, kadib, markii ay dilkaasi geysteen.
Ciiddanka DFS ayaa la sheegay inay gaareen goobtaasi wax yar kadib markii uu dhacay dilkaasi, waxayna sameeyeen baaritaano la xiriira dadkii ka dambeeyey dilkaasi.
©Radio Dalsan