DEG DEG: Wiilal Walaala ah oo Goor Dhow Lagu Dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo degmada wadajir ayaa ku waramaya in waxyar ka hor lagu dilay xaafada Siliga laba wiil oo walaala ah, oo ay toogteen kooxo hubeysan.

Maamulka degmada Wadajir ayaa dilkan u xaqiijiyey Radio Dalsan, islamarkaana sheegay in kooxo bastooaladu ku hubeysan ay dileen wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay gaari  ku hor gooyeen Marxuumiinta oo gaari kala soo baxayey garaash ku yaala xaafada Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadjir, kadibna ay rasaas ku fureen.

Waa Dilkii labaad ee isla maanta ka dhaca Muqdisho, waxaana saakay degmada Shibis lagu toogtay sarkaal katirsanaa NISA oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali oo la doogtay, xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo uu dhismo ka socday.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media