Taliyaha Ciiddanka Difaaca Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa sheegay inay Alshabaab lumiyeen Codsigii ay u jeediyeen Dhallinyarada Kenya, isla markaana ay haatan bilaabeen inay si khasab ah ku qortaan Dhallinyarada, waa sida uu hadalka u dfhigay..
“Alshabaab wey bedeleen xeelladii ay ku qoran jirey dhallinyarada ama ay ku tababari jireren. Haatan waxay bilaabeen inay Dhallinyarada ku khasbaan inay iyaga ku soo biiraan” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Difaaca Kenya.
Waxa uu Hadalkaasi ka jeediyey mar uu booqday Degmadda uu asal ahaan ka soo jeedo ee Jila Ganze ee Gobalka Kawale.
Jeneral Samson Mwathethe waxa uu intaasi ku daray inay Kenya soo wajahday Cabsida Alshabaab, wuxuuna ugu baaqay Waalidiinta iyo Bulshadda Kenya inay ku naagaadaan Feejignaan.
Jeneral Samson Mwathethe waxa kaloo uu tilmaamay inay Kenya ka mid tahay Waddamadda ay ka dhacaan waxa uu ugu yeeray Weeraradda Argagixisadda.
©Radfo Dalsan