Hadal qoraal oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ka soo saartay Xarunteeda Dhexe ee magaalladda Geneva ayaa lagu xusay inay aad uga murugoodeen geerida mid ka mid ah Shaqaalahooda oo lagu magacaabi jirey Axmed Mohamed Kaasi, kaasi oo ku geeriyooday Is-qarxintii Maatanaha ahaa ee isbuucii hore ka dhacay Xarunta AMISOM ee magaalladda Muqdisho.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay qaar ka tirsan shaqaalaha UNHCR ku dhaawaceem Qaraxyadaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 13 qof.
UNHCR waxay kaloo sheegtay inuu Marxuum Ahmed Mohamed Hassan ka mid ahaa shaqaalaha Badbaadinta ee Hay’adda tan iyo bishii April ee sannadkii 2012-dii.
Dhinaca kale, Madaxa Hay’adda UNHCR, Filippo Grandi ayaa ka tacsideeyey dilka Marxumka, wuxuuna tilmaamay inuu falkaasi muujinayo khatarta ay la kulmaan shaqaalaha ka hawlgala dalalka ugu khatarta badan Caalamka.
©Radio Dalsan