Dareewalo kaxeeya Gaadiidka Qaadka oo la sheegay inay Alshabaab ka qabteen inta u dhexeysa Degmooyinka Wajeer iyo Gaarisa ee W/Bari Kenya ayaa la sheegay in la sii daayey, sida laga soo xigtay Qoysaska Dareewaladaasi ku nool W/bari ee Kenya.
Warbaahinta dalkaasi waxay ka soo xigteen Qoysaska inay Alshabaab soo daayeen Labada Dareewal Fiidnimadii Sabtida ee ay bishan August ahayd 7-dii.
Labada Dareewal oo magacyadooda lagu kala sheegay Baashe Maxamuud iyo Maxamed Soma ayaa la sheegay inay xubno ka tirsan Alshabaab gacanta ku dhigeen bishan 3-dii, iyagoo Shixnad Qaad ah u waday Deegaanka Libooya ee kaabiga ku haya xadka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan.
Warbaahinta Kenya waxay sheegeen in markii la sii daayey Baashe Maxamuud iyo Maxamed Som ay tageen Saldhiga Boliska ee Dhadhaab, ka hor inta aysan dib ugu laabanin Deegaanka Maua ee Gobalka Meru.
Dhinaca kale, Madaxa Ururka Qaadleyda Kenya, Gitonga Ndori ayaa sheegay inay Ganacsatada Qaadka aad uga baqanayaan inay Badeecadoodasafriyaan, sababo la xiriira cabsida oo sii kordhayso.
Tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya ku biireen Hawlgalka AMISOM kula dagaalamayaan Alshabaab waxaa sii kordhay tirada Gaadiidka Qaadka ee la sheego in lagu afduubtay Goballadda Waqooyiga, W/Bari iyo Xeebta ee dalkaasi.