Al-shabab oo deegaanka Daaru salaam ee Shabeellaha Hoose Lug iyo Gacan uga jaray labo Wiil oo Dhalin yara ah

Fagaare ku yaala deegaanka Daaru salaam ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa maanta Al-shabaab Lug iyo Gacan uga gooyeen laba wiil oo dhalinyara ah kana mid ahaa dad deegaanka, kuwaas oo lagu soo eedeeyey falal xatooyanimo.

Cabdi Cali Maxamed ayay maxkamada Shabaab ku xakuntay in laga gooyo Lugta tan bidix  maadaama hore looga gooyey Gacanta Bidix, halka Maxamed Xassan Cumar lagu xakumay in laga jaro Gacanta bidix sida uu maanta uga dhawaaqay goob fagaara ah qaadi katirsan maxkamada Shabaab.

Dhalinyaradaasi ayaa lagu soo eedeeyey inay xatooyo ka geesteen Shabeellaha Hoose, iyadoo Als-habaab maantana ay xukun ku rideen labadaasi Wiil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media