Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee ku sugan Xeebaha Somalia ayaa sheegay inay Burcadda Hubeysan ee qabsatay Markabkaasi dalbadeenรย Lacago madax-fursado oo aan cadadeeda la shaacinin.
Burcad-baddeedaasi waxay Markabkaasi oo laguรย magacaabo ARIS 13 qabsadeen maalintii Isniintii ee la soo dhaafay, xilli uu marayey meel ka baxsan Xeebta Degmadda Caluula.
Markabkaasi oo Shidaal u soo waday Dekedda magaalladdan Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inay ay la socdeen 8 Shaqaale oo u dhalatay dalka Sri Lanka.
Markabkaasiu oo culayskiisa dhan yahay 1,000 Tan,รย waxaa leh Shirkad laga leeyahay dalka Panama oo lagu magacaaboรย Armi Shipping , balse waxa maamusha Shirkadda Aurora Ship Management oo ku taalla dalka Imaaraadka Carabta
Si kastaba ha ahaatee, waa Afduubkii ugu horreeyey ee Maraakiib Xamuul laga qafaasho Xeebaha Somalia tan iyo sannadkii 2012-kii.
รยฉRadio Dalsan