Wefti uu hogaaminayay gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha maamulka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray degmada Mahaddaay ee gobalka Sh/dhexe,waxaana ay warbixin la xiriirtay heerka abaata tuulooyinka hoostaga degmada ay ka dhageysteen gudiga gurmadka ee degmada Mahaddaay.
Gudiga ayaa markii dambe waxaa deeq lacageed oo gaareysay 7000,500 oo doolarka mareeykanka ah tas oo loogu talagalay in adeegyada dadku ay u bhanyihiin loogu sameeyo sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Mahadday Axmed Xuseen Afrax oo lahadlay Radio dalsan.
Gudoomiyaha degmada Axmed Xuseen Afrax  ayaa dhinaca kale waxa uu cadeeyay in dhibaatada ugu badan ee dadku ay qabaan ay tahay caafimaad daro baahsan oo hareysay Tuulooyinka ku dhoe degmadaas.
Halkaan ka dhageyso Wareysiga oo Dhameystiran.