Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada ku lahaayeen duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolkaas.
Weerarka ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday Madaafiic culus,waxaana qaar kamid ah Madaafiicda ay ku dhaceen gudaha Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in weerarka Madaafiicda ahaa uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,inkastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay.
Al-shabaab ay warar ku qoreen barahooda Internet-ka waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya,sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan weerarkaas.