Al-shabaab oo weeraray Saldhig Ciidan oo ku yaalla Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Gobolkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku soo qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,isla markaana waxaa intaas kadib xigay dagaal xoogan oo socday muddo, wallow markii dambe uu istaagay.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay,in kastoo aan la xaqiijin.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Saldhig Ciidamada  Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle xilli ay ku sugnaayeen Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media