Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Cadaado iyo Wafdi gaaray

Magaalada Cadaado ee Xarunta ku-meelgaarka ah ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa ku Wajahan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu Cadaado ku tegi doonaan Safar dhanka dhulka ah oo uga ambabaxayo Dhuusamareeb,isagoo soo saacadaha soo socda halkaasi gaari doono.

Saakay ayaa waxaa Magaalada Cadaado gaaray wafdi horudhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha,kuwaasi oo isugu jiray xubno Mas’uuliyiin ah iyo Ilaaladiisa gaarka ah.

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweeynayo Xasan Cali Kheyre,isla markaana waxaa halkaasi ku sugan Xildhibaano ka tirsan Labada Golle ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Markii halkaasi uu gaaro Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ku sugan Magaalada Cadaado iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan,isagoona kala hadli doono arrimo dhowr ah oo qeyb ay ka tahay dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaannada ay Galmudug ka koobantahay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media