Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax Muqdisho ka dhacay, kaas oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha iyo qaar ka mid ah degmooyinka Gobolkani Banaadir.
Baraha internet-ka ee Al-shabaab ayaa lagu daabacay in ay ka danbeeyeen qarax xalay muqdisho ka dhacay, Qaraxa ayaa sida ay sheegeen waxaa ay la beegsadeen gaari Roneed ah oo uu la socday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dawladda Soomaaliya, waxaana uu qaraxu uu ka dhacay xaafadda Afisyooni ee degmada Waaberi
Waxaa ay sheegeen Al-shabaab in ay qaraxaas iyagu ka danbeyeen ayna ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaliya gaar ahan Nabad sugidda, kaas oo magaciisa ay ku sheegeen Nuur.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in qaraxaas ay ku waxyeelobeen Askar ilaalo u ahaa Ninka ay sheegeen Al-shabaaab in ay dileen.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir oo ay kaga hadlayaan qaraxa Muqdisho ka dhacay iyo sheegashada Al-shabaab ay ku sheegteen in qaraxaas ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya.