Waxaaa sii kordhaya tirada dadka uu soo ridanayo Caabuqa Covid19 ee dalka Hindiya, Kiisas hor leh ayaa laga diiwaan galiyay dalkaas.
Wararkii u danbeeyay ee dalkaas ayaa sheegay in Kiisas ka Covid19 ee dalka Hindiya ay gaareen 2,399,992 oo kiis, waxaana uu dalkani soo galay Kaalinta 3aad ee dalalka ugu badan ee laga helay Covid19.
Waxaa uu ka hormaray dalal badan, waxana dhimashadu ay gaartay 47,169 ruux oo dhimasho ah, waxaana bulshada dalkaasi soo wajahday cabsi xooggan oo la xariirta caabuqa, walina waxaa socda dadaalada ay dowladdu ku xakamaynayso fiditaanka caabuqa.
Tan iyo markii uu billawday Covid19 waxaa soo badanayay saameyntiisa waddamada Caalamka, sidoo kale waxaa uu cuuryaamiyay dhaqaalaha dunida oo uu six un u saameeyay.