Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Guryo ku yaallay halkaas ay dab qabadsiiyeen dagaalyahano la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo xalay tegay deegaanka.
Guryaha ay Al-shabaab gubeen ayaa ku yaallay deegaanka lagu magacaabo Cadalle ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana waxaa deganaa qoysas, kuwaasi oo lasoo weriyey inay ka barakaceen guryihii ay deganayeen ee la gubay.
Ciidamo Macwiisley ah oo la shaqeeya Ciidanka Galmudug ayaa waaberigii hore ee saakay tegay Cadalle, waxaana deegaanka ay sameeyeen howlgalo lagu xaqiijinayey ammaanka deegaanka, kadib markii ay halkaas tageen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaan weli hadlin guryaha la gubay oo ay deeganaayeen dadka shacabka ah, iyadoona Sawirro laga soo qaaday guryaha gubtay lagu arkayey baaxada uu lahaa dabka la qabadsiiyey.
Si kastaba Al-shabaab ayaa marar horey weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo ay dagaalo xoogan kula galeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan.