70 Arday ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo ku sii jeeda Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.
Qaar ka mid ah Ardaydaasi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu Deeq W/barasho u aadaan dalka Sudan.
Ardayda waxay sheegeen inay Wasaaradda Waxbarashadda caqabad kala kulmeen, kuna amreen inuu Arday kasta bixiyo 550 Dollar oo ah Lacagta Tikidhka Diyaaradda ee ay ku tegi lahaayeen magaalladda Khartoum.
Ardayda waxay sheegeen inuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo u gudbiyeen Cabashadododa, wuxuuna Madaxweynuhu amray inaan Ardayda wax lacag laga qaadi Karin ee uu isagu jeebkiisa ka bixinayo Kharajka 70-ka Arday ee Deeqda Waxbarasho helay, kuwaasi oo maanta u ambabaxay dalka Suudaan.