Ku-xigeenka Kaaliyaha Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS),  Alexander Muteshi ayaa ka dhawaajiyey inay Labadaasi Koox yihiin cabsida ugu ballaaran ee Danaha Ammaanka Qaranka iyo Dhaqaalaha ee Kenya.
Mas’uulkaasi ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin uu maanta siiyey Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya, wuxuuna farta ku fiiqay in cabsida ugu sarreyso weli ka jirto Mandera, Wajeer, Garissa iyo Lamu, waa sida uu hadalka u dhigay.
Alexander Muteshi waxa kale oo uu sheegay Xildhibaanadda in Dagaal;amayaasha Alshabaab-ka Somalia  iyo kuwa Daacish ee ka hawlgala Maamulka Puntland iyo dalalka Libya, Syria iyo Iraq yihiin Khatarta ugu ballaaran ee Ammaanka Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa cabsida khatar ka sii dhigayo ayaa ah inay Alshabaab iyo Daacish weeraro la beegsadaan Kaniisadaha, Dhismayaasha Ganacsiga, Dugsiyadda iyo meelaha kale ee Dadweynaha†ayuu yiri Alexander Muteshi
Dhinaca kale, Sarkaalkaasi ka tirsan Sirdoonka Kenya (NIS) waxa uu Xildhibaanadda uu la hadlay uga digay inay Sirta la wadaagaan Diplomaasiyiinta Ajnabiga ku sugan gudaha Kenya oo uu tilmaamay inay ku jiraan kuwo Basaas ah, waa sida uu hadalka u dhigay