Akhriso;-Xuutiyiinta oo shuruud adag ku xiray joojinta duqeymaha ay ka wadaa Yeman

Hadal ka soo baxay Kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto waxay ku baaqeen inay Ciiddanka Sacuudiga ka baxaan gudaha Yemen, si ay iyagana u joojiyaan Duqeymaha iyo Darooniska ay la beegsadaan magaallooyinka iyo Xarumaha Shidaalka ee Sacuudiga.

Maxamed Cali Al-xuuti oo xubin ka ah Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay horey Imaaraadka uga joojiyeen Duqeymaha, kadib, markii ay Ciiddankooda kala baxeen gudaha Yemen.

Imaaraadka waxay Ciiddankooda kala baxeen Yemen, wax yar kadib, markii uu Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta, C/maalik Xuuti uu fariin u diray Madaxda Imaaraadka inay Ciiddankooda kala baxaan Yemen, si ay iyagana u joojiyaan Duqeymihii ay la beegsan jireen.

“Haddii ay Sacuudiga ku dhawaaqaan inay Ciiddankooda la bixi doonaan, sida ay Imaaraadka u sameeyeen inay markaasi joojin doonaan Beegsigooda” ayuu yiri Maxamed Cali Xuuti oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Dowladda Imaaraadka waxay u dhega-nuglaadeen Fariintaasi, iyagoo Ciiddankooda si rasmi ahaan ugala baxay Yemen, isla markaana ay joojiyeen Beegsigooda Kooxdaasi.

Qoraal uu Maxamed Cali Al-xuuti soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu Dowladda Sacuudiga ugu nasteexeeyey inay Ciiddankooda kala baxaan gudaha Yemen, si ay uga badbaadaan Duqeymaha iyo Darooniska ay la beegsadaan gudaha Sacuudiga.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Joe Biden waxa uu ku dhawaaqay inay joojiyeen Taageerada Loojistikada ee ay horey u siin jireen Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee Hawlgalladda duqeymaha ka fuliya gudaha Yemen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor