Madaxweynaha Dolwad degaanka oo ka qayb galay Bannaanbax looga soo horjeedo TPLF

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa ka qayb galay Bannaanbaxyo ballaaran oo ka dhacay Magaalooyin ka tirsan Dolwad degaanka.

Madaxweynaah ayaa hoggaaminayay Kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay Jig-jiga, waxaana uu shacabka ku boorriyay in ay si weyn u muujiyaan sida ay uga xun yihiin Gobood falladdii ay Tigreeygu u gaysteen Umadda Soomaaliyeed.

Mustafe Cagjar oo shacabka la hadlayay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ay isku damqadaan, waxaana intaas uu ku daray in TPLF ay xasuuq iyo Tacaddiyo aad u xanuunbadan ay gaysteen Ciidanka Tigreega.

Magaalooyin waa weyn ee Soomaali Galbeed ayaa haatan waxaa ka socda bannaanbaxyo waa weyn, iyadoo Magaaloyinka Jig-jiga iyo Godeey uu ka dhaacy bannaanbax, waxaana uu yahay mid si weyn loo soo agaasimay, iyadoo uu ka socda Magaalooyinka kale oo ay ka mid yihiin dhagaxbuur iyo Qabridahar oo mid ah Magaalooyinka ugu dadka badan degaanka Soomaalida.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa haatan dagaal xooggan kula jirta Tigreega, waxaana Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi Itoobiya Abiy Ahmed uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah TPLF oo ka hortimid xukunka Ras’iisul wasaaraha Dalkaasi Itoobiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media