Shirka Wadatashiga Doorashooyinka oo furmay iyo Maamul Goboleedyo ka maqan

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay  Wajigii 2aad ee Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir, waxaana uu ka socdaa Hotelka Decala ee Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa kala matalyay Maamul Goboleedyada dalka iyo Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana horay u magacabaay Ra’iisul Wasaare maxamed Xusueen Rooble, Shirkan waxaa ka maqan Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Wajigii 1aad ee Shirkan ayaa horay uga dhacay Baydhabo,  iyadoona Shirkaasi lagu gaaray go’aamo Masiiri ah.

Lama oga sabaha ay uga maqan yihiin shirka Xubnihii ay ku lahaayeen Maamul Goboleedyada aan qaybta ka ahayn Guddiga ku shiraya Hoteel Decale ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor