Akhriso:-Xildhibaano kulan deg deg ah ku yeelanaya Dhuusamareeb & qodobada…

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Xildhibaano ka tirsan Galmudug,iyaga oo uga doodi doona mooshin ay ka gudbiyeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Xidhibaanada ayaa shalay waxa ay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed u gudbiyeen mooshinkaas,isaga oo sheegay inuu yahay ansax,isla markaana doodiisa ay bilaaban doonto.

Shalay ayaa sidoo kale Xildhibaano ku shiray Cadaado waxa ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,in kastoo Xaaf uu sheegay in aysan xilka ka qaadi karin xildhibaanadaas.

Saacadba saacada ka dambeysa waxaa sii xoogeysanaya khilaafka Galmudug,iyada oo Xildhibaanada ay kala degan yihiin Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor