RW Xamse Barre oo magacaabay Guddiga  Qaran ee Gurmadka Dhul-gariirka Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa markii uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay in ay isku xiraan, kana shaqeeyaan gurmadka Soomaaliya ay u direyso Turkiga.

1-Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka —Xasan Macallin Maxamuud

2- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta —Axmed Macallin Fiqi

3- Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare —Faarax Sheekh Cabdulqaadir

4-Sheekh Bashiir Axmed Salaad

5-Sheekh Cabdulqaadir Soomow

6-Suldaan Cabdiqani Qorane

7- Cumar Xasan Maxamed

8- Axmed Maxamuud Yuusuf

9- Axmed Shirwac Maxamed

10- Duniya Maxamed Cali

11- Prof. Xuseen limaan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor