Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur”Gobalka Banaadir waxa ka socda ma ahan bilic soo celin ee waa baab’in bulsho iyo mid dhaqaale “

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka,sidoo kalena ah Guddoomiyaha Xildhibaannada la magac baxay kudlada horusocod ayaa dhaliilay Wareegtadii guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maanta ka soo baxday ee uu ku baabi’iyey heshiiskii lagula wareegay darjiinada iyo Beeraha ku yaalla Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa Qoraal uu Baraha Bulshada soo dhigay,waxa uu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in guddoomiye Yariisow uu shaaciyo in laga laabto dhul markii hore lasiiyey dad Shacab ah,isla markaana Shacabka Muqdisho aan lagu maamuli Karin in hantidooda lagu boobo sifo aan sharci aheyn sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaakale oo runti wax aad looga xumaada ah waxa kasoo yeeray Gud. Yariisow ee ahaa in uu kala noqoday dhul ku yaala Magaalada muqdisho dad shacab ah oo hore loosiiyay waxaana u sheegayaa gudoomiyaha goabalka in aan marna shacabka Soomaaliyeed lagu maamuli karin hantidoodana lagu boobi karin laguna baabi’in karin sifooyinka nuucaan ah oo sharci darada ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ammarkii Maanta ka soo baxay guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu la mid yahay in muqdisho aysan ka socon wax la yiraahdo bilic soo celin balse ay ka socoto sidii loo baabi’in lahaa dadka Shacabka ah.

“Gobalka Banaadir waxa ka socda ma ahan bilic soo celin ee waa baab’in bulsho iyo mid dhaqaale mana ahan wax la aqbali karo, waxaana si dhow ula socday habdhaqanka dowlada dhexe iyo kan maamulka Gobalka banaadir ee uu hormuudka ka yahay Abdirahman Omar Osman (Eng Yariisow) ee ku aadan bulshada Gobalka Banaadir waxayna muujinayaan ficiladani fashilka hogaanka dalka oo gadaal kariixaya cuuryaaminta bulshada Degan Gobalka iyo Guddoonka ay usoo Magacaabeen oo kaliya in  ay Danhooda gaarka ah oo kaliya u fuliyaan,

Gaba gabadii waxa uu ugu baaqay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho in uu maamulkiisu uu ka Shaqeeyo dib u dhiska Gobalka iyo gaarsiinta adeega Arimaha bulshada  ee uu k asugayo shacabka Gobalka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor