Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ku jira gacanta Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo biiray bahda Yuutuberada Soomaaliyeed, waxaana uu bulshada la wadaagay muuqaal dhinacyo badan taabanayay oo si gaar ah kaga hadlay weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.
Shiikh Xasan oo ka mid ahaa Hoggaamiyayaasha sar-sare ee Al-Shabaab ka hor inta uusan isku soo dhiibin Dowladda Soomaaliya ayaa ku jira xabsi guri, balse bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa siyaabo kala duwan kaga falceliya Maxbuusnimadiisa, maaddaama arrimaha siyaasadda dalka uu kaga hadlo si caadi ah, isagoo Muuqaallo iska soo duuba, uuna ka hadlo hadba Mowduuca taagan, taasi oo inta badan aysan helin maxaabiistu.
Maal-mihii ugu dambeeyay waxaa hadal hayn xooggan dhaliyay muuqaal uu la wadaagay bulshada kaasi oo wax badan kaga duwan muuqaaladii hore ee lagu yaqaannay, waxaana la sheegay in uu sameystay Yuutuub u gaar ah oo hadda kadib uu kasoo gudbin doono waxyaabaha uu inta badan ka hadlo ee u badan arrimaha siyaasadda dalka iyo khilaafyada taagan.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Youtube-ka lagu baahiyay Muuqaalkii u dambeeyay uu si gaar ah u leeyay isagu, waxaana muuqaalkii dhawaan uu bulshada la wadaagay uu Xasan Daahir Aweys uu si gaar ah u dul-istaagay Calan ay wateen Alshabaab, kaas oo ciidanka Gor-Gor ee xoogga dalka ay ku gubeen degmada Awdheegle, isalamrkaana sheegay in wax laga xumaado tahay in la Gubo Calan uu ku qoranyahay Magaca Alle, waa sida uu hadalka u dhigaye.