Diyaarad siday Gargaarka Caafimaad oo gaartay magaaladda Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka jawaabay Qeylo dhaan ay dhawaan soo direeyn  Maamulka Dagmada Gaalkacyo, kan Gobalka Mudug iyo Bulshada ku dhaqan deegaanada Mudug.

Duqa Degmada Gaalkacyo  mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Ayaa  Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Kula Wareegay Agab Iyo Daawo loogu Talagalay Ka Hortagga  COVID-19 oo Ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Diyaaradaan Gargaarka Caafimaad siday oo  soo caga Dhigatay Garoonka Diyaaradaha Oshaako Ayaa  Wareejinta Gargaarka Waxaa Duqa Degmada Kala Qeyb galay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Waxaa kale oo goob joog ahaa Guddiga ka Hortaga  COVID-19  ee Dhawaan Maamulka Gobalka Mudug Iyo Kan Degmada Gaalkacyo ay Magacaabeen.

Comments
Loading...