Waa Maanta degan xaalada Xabsiga Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari halkaas oo xalay ay weerareen ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland.
Ciidamada Asluubta iyo kuwo ka tirsan Puntland ayaa Xabsiga ku dagaalamay,waxaana dagaalkaas ku geeriyooday Saddex ruux oo uu mid ka mid ah yahay Maxabiista Xabsiga ku xirneyd.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa Maanta gacanta ku haya Xabsiga,waxaana la sheegay in Xabsiga la dhigay Ciidamadii Asluubta ee horay ugu sugnaa Xabsigaas.
Warar kale aan ka helnay Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Xabsiga Magaalada Boosaaso lagu wareejin doono Ciidamada gaarka ah ee PSF.
Weerarkaas xalay lagu qaaday Xabsiga Magalada Garoowe ayaa ku soo aadaya,iyada oo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Gaas uu ku sugan yahay Magalada Boosaaso.